Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in duqaynta dhacday 25-kii Ogosto lagu dilay Cabdulqaadir Kumaandoos oo ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee Ururka Al-Shabaab.
Maraykanku waxa uu sheegay in Cabdulqaadir Kumaandoos uu soo qabtay jagooyin kala duwan Al-Shabaab dhexdeeda, iska markaana uu Taliye Sare ka ahaa ururka markii u dambaysay.
Cabdulqaadir Kumaandoos ayaa duqeynta lala beegsaday waxay ka dhacday nawaaxiga Saakow ee Jubbada Dhexe, waana sida lagu sheegay Qoraal uu soo saaray Mareykanka.
Xaqiijinta Maraykanka ayaa imanaysa maalin kadib markii Al-Shabaab ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamada dawladda iyo kuwa Maraykanka oo ku taalla Janaa Cabdalle oo Galbeed ka xigta Kismayo.