Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed kana mid ahaa dadka ku leh goobaha Ganacsiga halkaas.
Muwaadiinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Axmed Xasan Jeceeloow, xilli uu ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Motherwell ee Koonfur Afrika.
Ragii hubeysnaa ee burcada ah ayaa goobta isaga tegay markii ay dileen Muwaadinka, waxaana daqiiqado kadib goobta gaaray Muwaadiniin Soomaali ah oo soo qaaday Meydka Marxuum Jeceeloow,
Cali Yare Sheekh oo kamid ah Ehelada Axmed Xasan ayaa sheegay in Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrika ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dhagar qabayaashii toogtay Marxuumka.
Tuulada Motherwell ee ku taalla Gobalka Eastern Cape ayaa waxaa maalmihii lasoo  dhaafay aad ugu soo laba kacleeyey dilalka loo geysto Ajaanibta gaar ahaan Soomaalida, waxaana xalay oo ugu dambaysay la weeraray sedex dukaan oo Soomaali leedahay, inkastoo mid kamida ah la dhacay, halka labada kalena laga difaacay.