Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilowday Qarax Ismiinaadiim ah oo barqanimadii Maanta ka dhacay deegaanka Jannaay Cabdalle ee dueedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo lagu qaaday Ciidamo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.
Qaraxaas oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa la sheegay in lagu dhuftay xero ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa DANAB iyo Ciidamo Mareykan ah.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Ciidanka goobta la weeraray ku sugnaa, waxaana sidoo kale la sheegay inay halkaas ku gubteen gaadiid gaashaaman oo lahaayeen Ciidanka.
Qoraal lagu daabacay Warbaahinta Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay deegaanka Jannaay Cabdalle lagu dilay 16 Askari oo ka tirsan Ciidanka DANAB iyo 4 Sarkaal oo Mareykan ah, halka 12 kalena ay dhaawacmeen.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in diyaarado nooca Helicopter-ka ay Meydad iyo dhaawacyo farabadan looga daadgureeyay Jannaay Cabdalle, isla markaana loo qaaday dhinaca Magaalada Kismaayo, iyagoona xusay in Ciidanka la wareegay ay doonayeen inay xero ka dhistaan deegaanka.
Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarkii kaga dhinaca Al-shabaab, isla markaana la toogtay Darawalkii waday gaariga qaraxy, uuna jiro Khasaaro ka dhashay qaraxaas.
Ciidamada Dowladda Federaalka ee DANAB iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa laba maalin kahor kala wareegay deegaanka Jannaay Cabdalle dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoona saacadihii lasoo dhaafay halkaas ka waday howlgal miino baaris ah.