Dagaal u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ka socda bartamaha Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar u dhex marayaa Ciidanka Booliska iyo kuwa Gor-gor oo kal horey Dowladda Federaalka ay geeysya Degmada Balad-xaawo, waxaana dagaalkaas kasoo baxaya warar kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in dagaalka uu ka bilowday muran la xiriira banaanbax la qorsheeyay inuu ka dhaco gudaha Balad-xaawo, hayeeshjee qaar kamid ah Ciidanka ay kasoo horjeysteen, sidaasina uu ay rasaas ku bilaabatay.
Sidoo kale wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro kala duwan, waxaana halkaas ku geeriyooday afar ruux, In kastoo aan la cadeyn in Askar ama ay shacab yihiin.
Xaaladda Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ah mid kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay soo sheegayaan in la maqlayo dhawaqa rasaas xoogan oo Ciidan Booliska iyo kuwa Gor-gor ay isdhaafsanayaan.