Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas qarax xoog leh lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Jubbaland iyo Ciidamo Mareynkan ah.
Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala eegtay Kolonyada Ciidamada, xili ay marayeen deegaanka deegaanka Jannaay Cabdalle oo 55-KM u jira Kismaayo.
Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidanka lala eegtay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in gaadiidka qarxay uu soo dhex-galay safka Kolonyada Ciidan.
War qoraal ah oo lagu qoray baraha dhinaca Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo, iyagoona xusay in Diyaarado Helikobtar ah Meydad iyo dhaawacyo lagu geeyay Kismaayo.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan weerarkaas Ismiidaaminta ahaa, iyadoona ay xusid mudan tahay in maalin kahor Ciidanka Jubbaland ay la wareegeen Jannaay Cabdalle.