Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa habeenkii xalay aheyd Magacaabay Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu magacaabay Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka, kuwaasi oo ka kooban 11-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Cusmaan Maxamed Mukhtaar.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa uu Guddigaas faray inay soo gudbiyaan qorshahooda shaqo ee loo idmaday, isla markaana howshooda u gutaan si hufan.
Maamulka Hirshabeelle ayaa horey u sheegay inay wadaan diyaar garoow ku aaadan sidii ay u qaban lahaayeen Doorashada Maamulkaas, iyagoona tilmaamay in aysan dooneyn muddo kororsi ah.
Â
Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Waare.