Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa war kasoo saartay doorashada la filayo in ay ka dhacdo Somaliland, waxaana Qoraalka Maxkamaddu lagu go’aamiyay nooca doorasho ee  dhici doonta.
Qaraar ay soo saartay maxkamadda sare ee Somaliland ayay ku sheegtay in doorashada soo socota ee Golaha Wakiillada Somaliland lagu gali doono qaabkii horey loogu galay 2005-tii.
Doorashada qaabkan ah ayaa waxaa diidan qaar kamid ah bulshada gobolka Awdal.
Hoos ka aqriso qaraarka maxkamadda