Maamul Goboleedka Galmudug ayaa soo dhaweeyay Xeerka saxaafadda ee uu Madaxweyne Farmaajo Ansixiyay, waxaana Galmudug ay noqotay maamulkii ugu horreeyay ee soo dhaweeya xeerkaas.
Axmed Shire Falagle oo ah wasiirka Warfaafinta maaamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in xeerkani uu yahay xeer muhiim un ah warbaahinta iyo wariyeyaasha Soomaliyeed loona baahan yahay in la meelmariyo.
Waxaa uu sheegay in Galmudug ahaan aysan qayb ka ahayn xeerkan balse aysan wax dhib ah u arkin, Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiir Falagle in loo baahan yahay xeer kala ilaaliya dowladda iyo warbaahinta madaxa bannaan.
Xeerka Saxaafadda oo uu shalay Anxsixiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sii weyn walaac uga muujiyay warbaahinta Madaxa bannaan iyo waliba ururada u dooda Wariyaasha Soomaaliyeed iyagoo sheegay in xeerkani lagu cabburinayo warbaahinta Madaxabannaan.