Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka tirssan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa mar kale Maanta ka hadlay sharcigii Metelaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare looga siiyay 13-ka xubnood, kaasi oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Xildhibaan Cosoble oo la hadlay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo furitaankii Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka uu Golaha Shacabka ka Codsaday inay ansixiyaan sharciga Metelada Gobolka ee Aqalka Sare, iyagoona markii dambe fuliyay Codsigiisa ansixiyayna sharcigaas.
Waxaa uu sheegay Xildhibaan Cosoble in Madaxweyne Farmaajo aysan dhab ka aheyn xuquuqdii uu sheegayay inuu u raadinayo G/Banaadir, isla markaana uu balan uga baxay shacabka, maadaama uu weli saxiixi la’yahay 13-ka kursi ee Gobolka loo ogolaaday.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Madaxweynaha uusan kusoo darin Ajendayaasha Shirkii Dhuusamareeb 3 ee uu isaga diyaarsaday Metelaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, taasina ay caddeyn u tahay in aysan dhab ka aheyn xuquuq u raadinta Gobolkaan.
Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu baaqay Xildhibaan Cosoble inuu fuliyo balan qaadkii uu u  sameeyay Shacabka Caasimadda dalka ee Muqdisho, isla markaana uu saxiixo sharciga, maadaama ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn Xildhibaanka ayaa caddeeyay in qodobadii kasoo baxay Shirka Dhuusamareeb 3 ay yihiin kuwo qabyo ah, ayna ka maqan yihiin xuquuqo farabadan, isla markaana shirkaas uu soo bandhigay in Madaxweyanah u socday Doorasho qof iyo Cod ah.