Baraha Bulshada iyo warbaahinta qaarkood ayaa waxaa lagu faafiyay warar sheegayay in Turkiga uu Codsaday Ciidamo Soomaali, si ay taageero u siiyaan dowladda liibiya, hayeeshee waxaa arrintaas ka hadashay Dowladda Turkiga.
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Mehmet Yilmaz ayaa waxaa uu beeniyay in Turkiga uu dalbaday Ciidamo Soomaali ah oo taageero siiya Liibiya ee dagaalka kula jirta Jeneral Khaliifa Xaftar, waxaana wararka la faafiyay uu ku tilmaamay kuwa aan waxba ka jirin.
Safiir Mehmet Yilmaz oo la hadlay Wakaalladda Wararka Anadolu Agency ayaa sheegay in wararkaas beenta ay yihiin kuwo bartilmaameed ah, isla markaana waxaa uu xusay inay dusha kala socodan qaar ka mid ah dalalka ka shaqeynayo danahooda khaaska ah.
“Warbaahinta Bulshadda waxay xoog weyn ku leedahay gudaha Somalia, waxaana dusha kala soconaa dadaalladda qaar ka mid ah dalalka ka shaqeynayo danahooda khaaska†ayuu yiri Ambassador Mehmet Yilmaz.
Dhinaca kale Safiirka ayaa ka hadlay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo ku saleeysan dhinacyo kala duwan, isagoo tilmaamay inay sii wadani doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.