Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa Maanta markale kulan ku yeeshay Mareegta dhinaca Internet-ka, kaasi oo looga hadlay Arrimo ku aadan dalka Soomaaliya.
Kulankaas ayaa waxaa uu qadka Internet-ka ku dhexmaray Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laf-gateen, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Khilaafyada siyaasadeed ee jira, iyagoona markii uu dhamaaday kulanka Go’aanka soo saaray.
War-murtiyeed ay siwada jir ah u soo saareen Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa ay ku sheegeen in Shir Deg deg ah ay ku yeelanayaan Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana looga tashanayo Arrimama Masiiriga ah iyo Doorashada dalka 2020/2021.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Shirkaas uu dhici doono 9-ka Bishaan Luuliyo, isla markaana uu martigelin doono Maamulka Galmudug ee uu hogaaminyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka ay soo saareen Madaxda M/Goboleedyada.