Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah oo Albaabada ay u xirnaayeen ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Ajendaha kulankaas ayaa waxaa uu ahaa mid go’aan looga gaarayay murano ka taagnaa Asteynta kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoona xeerka asteynta kuraasta uu horyaallo Baarlamaanka.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaanada kuraasta ay ku fadhiyaan loo madax banaaneeyay in halka ay rabaan geysan karaan, hayeeshee shuruud looga dhigay in uusan bixin Xildhibaanka Maamul Goboleedkii marka hore laga soo doortay.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay muran ka jiray kuraasta Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood loo xawilay dhinaca Gobolka Gedo, balse dib loogu oo celiyay Jubada Hoose iyo Jubadda Dhexe.
Si kastaba Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka digay kuraasta loo wareejinayo Gobollada aan marka hore laga soo dooran.