Ciidamada Dowladda Faderaalka iyo kuwa Galmudug ayaa Goordhow ku guuleystay in ay si Deg-deg ah u kala dhex-galaan laba Maleeshiyo beeleed oo markale saakay uu dagaal xoogan ku dhexmaray deegaanka Qalaan-qale ee Gobolka Galgaduud.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in saakay ay ku adkaatay tegista goobaha ay isaga dhow yihiin Maleeshiyaadka, maadamaan labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshee ay haatan u suurashay inay joojiyaan dagaalkii socday.
Waxaa kaloo Sarkaalka uu sheegay in Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada ay ku howlan yihiin sidii loo xadidi lahaa dhaq dhaqaaqa dhinacyada dagaalamay, ayna kala durjiyeen Maleeshiyaadka.
Sidoo kale Ciidamada ayaa saacadaha soo socda deegaanka Qalaan-qale ee Gobolka Galgaduud ka bilaabi doona kulamo lagu xalinayo dagaalka iyo sidii wax kasta oo jira loogu dhameeyn lahaa wada-hadallo.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu kordhay, waxaana farumaha laga qaaday Meydad iyo dhaawacyada dhinacyada dagaalamay, iyadoo dadka dhaawacmay loo qaaday Xarumo Caafimaadka.
Dhinaca kale waxaa degan xaaladda deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud oo uu dagaal ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed, waxaana halkaas ku dhintay 11 qof, halka 25 qof kalena ay ku dhaawacmeen.