21-Wasiir Arrimo Dibadeed ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta waxay shalay Kulan Maqal iyo Muuqaal (Video Conference) ka yeesheen Xaalladda Colaadeed ee dalka Libiya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Axmed Ciise Cawad oo kulankaasi ka qeyb galay waxa la sheegay inuu qaadacay qoddobo ka mid ah Qaraarkii ay Wasiirada Carbeed ka soo saareen Colaadda dalka Libiya.
War-murtiyeedka la soo saaray gebagebadii Kulankaasi waxa Arrimaha Libiya laga soo saaray 11-Qoddob, iyadoo ay Dowladaha Somalia, Qatar, ku gacan sayreen qaar ka mid ah Qoddobadii lagu soo bandhigay War-murtiyeedka.
Ilo-wareedyo iyo Suxufiyiintii goobjooga ka ahaa Kulankaasi waxay soo weriyeen inay Wasiirada Arrimaha Somalia ee Somalia, Qatar, Tunisia iyo Dowladda Libya ee GNA ee ay QM taageersan tahay si mutuxan uga hor yimaadeen Qoddobadda 7-aad, 8-aad iyo 11-aad ee laga soo saaray Shirkaasi.
Dowladda Somalia waxay si gaar ah uga hor timid Qoddobadda 7-aad, 8-ad iyo 11-aad oo qeexayey Fargelinta sharci-darada ee dalka Libiya inay xadgudubka ku tahay Qaanuunka Caalamka, Baaq ku aadan in la qabto Shirweyne looga xaajoonayo Nabadda dalkaasi oo ay QM garwadeen ka tahay iyo in la soo dhaweeyo Bayaankii Qaahira ee Hindishii Masar ee Xal-u-helista Xiisadda dalka Libiya.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar waxa uu gaashaanka ku dhuftay Qoddobada 8-aad iyo 11-aad ee War-murtiyeedka Colaadda dalka Libiya.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Tunisia waxa uu ku gacan-sayray Qoddobada 7-aad iyo 8-aad ee lagu xusay War-murtiyeedkaasi.
Diplomaasiyiinta Carbeed ayaa rumeysan inay Dowladaha Somalia iyo Qatar ay Go’aanadaasi uga soo horjeesteen sababo la xiriirta Isbahaysi ay u muujinayeen Dowladda Turkiga oo Galaangal xooggan ku leh Libiya oo ay boqolaal ciiddan ka joogaan dalkaasi.