Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60aad ee maalmaha xorriyadda iyo midnimada ee 26-ka June iyo 1da July.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa guddiga ka dhageystay warbixin la xariirta hannaanka ay ugu diyaar garoobeen weyneynta munaasabadaha, iyagoona sheegay in weli ay wadaan diyaar garoow ballaaran.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa Guddiga uga mahadceliyay dadaalka ballaaran ay wadaan, isagoo sheegay in maalmaha xorriyadda iyo midnimada ay yihiin kuwo dadka Soomaaliyeed ay quluubtooda ku weyn tahay.
Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garawday xuska Todobaadka xoriyadda 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii layska tuuray heeryadii gumaystaha oo ka billaabanaysa 26-ka Bishan juun oo ah markii ay gobolada waqooyi xoriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, kuna eg 1dii Luuliyo oo ah Maalinta ay Talyaaniga.