Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoona looga hadlayo Ajendo muhiim ah.
Kulanka oo ah kii 5-aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, isla markaana waxaa goobjoog ka ah143 Xildhibaan
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay dhameystirka dooda ku saabsan xeerka qoondada haweenka.
Hoos ka Akhriso Ajendayaasha kulanka Golaha.