Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kormeer shaqo ku gaaray Degmada Isku-shuban ee Gobalka Bari.
Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa ka koobnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPl, xildhibaan Saleemaan Faarax Ciise oo ka tirsan maamulka Puntland, iyo Gudoomiye ku xigeenada Gobalada Bari iyo Karkaar,
Ujeedka safarka Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka oo maalmihii udanbeeyey kormeer shaqo ku marayey Degmooyinka Gobalka Bari ayaa salka ku hayey xoojinta Nabadda, wada shaqeynta Bulshada iyo Dawladda, Arrimaha Hormarinta Degmada, Dardar gelinta canshuuraha, Wacyigalinta Dhismaha Gollaha Deegaanka Hannaanka Geedi usocodka Dimuqraadiyeynta, iyo kormeer shaqo oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan xarumaha Dawladda iyo kuwa Arrimaha Bulshada ee Degmada isku-shuban.
Waftiga uu Hogaaminayey Wasiirka Waxaa Degmada isku-shuban Ku soo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka kaluumeysiga Puntland,,maamulka Degmada iyo Qeybaha Kale Duwan ee Bulshada Degmada.