Guddoomiyaha Gobolka Bari ee mamulka Puntland C/samad Yuusuf Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ka howlgasha deegaanada maamulkaas waxa uu ka jawaabay eedeymo la xiriira cabasho dadka ku nool magaalada Boosaaso ay u gudbiyeen maamulka gobolka oo ku aaddan in dhibaato kala kulmayaan waaxyaha loo qeybiyay xaafadaha magaalada Boosaaso.
Qorshahaan ayuu sheegay in ay sioo diyaariyeen golaha deegaanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari loogana danleeyahay daadajinta maamulka iyo xaqiijinta amniga magaalada Boosaaso oo muddooyinkii dambe xumaa.
Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa wax laga weydiiyay cabasho dadka deegaanku ay ka qabaan qorshahaan oo la xiriira in hab qabali ah lagu qeybiyay waxaana uu beeniyay arrinkaas oo uu tilmaamay in aysan waxba ka jirin barnaamijkaana uu yahay mid lagu baahinayo adeegyada maamulku uu bixiyo si bulshada uu u gaaro.
Dhinaca kalana waxa uu soo hadal qaaday Banaan-baxyo la qorsheeyay in ay ka dhacaan magaalada Boosaaso isla markaana ay ka hortageen isaga oo cadeeyay in dadka abaabulaya banaan-baxyadaas rabshadaha wata ay in mid yihiin Alshabaab tallaabo sharciga waafaqsana ay ka qaadi doonaan sida uu hadalka u dhigay.