Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Maanta fagaare ku yaalla Magaalada Muqdisho waxaa ay ku gubeen qaad farabadan oo si qarsoodi lagu soo geliyay Caasimadda dalka, xili kal hore Dowladda mamnuucday qaadka.
Qaadka la gubay ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay 4-tii bishaan Juun 2020 Ciidanka Ilaalada xeebaha ee Dowladda, kaasi oo lagu keenay doon nooca kalluumeysiga, hayeeshee arrintaas ay shacabka kusoo wargeliyeen Ciidanka, sidaasina lagu qabtay.
Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Captain Saciid Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaadka markii laga soo dejiyay doonta ay dhac u geysteen rag Maleeshiyo oo goobta ka dhawaa, iyadoo markii dambe Ciidanka Booliska ay si xoog qaadka kaga celiyeen Maleeshiyaadka.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa tilmaamay in qaadka la gubay uu ahaa Lix Jawaan ayna marka hore horgeeyeen Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo xafiiska xeer ilaalinta Qaran, iyadoo Go’aan soo baxay lagu gubay qaadkaas oo si sharci darro ah loo soo geliyay Muqdisho.
Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Captain Doodishe ayaa Digniin u diray dadka qaadka ka Ganacsada, isla markaana keena Muqdisho xili dowladda u mamnuucday keenistiisa sababo la xiriira faafida Cudurka COVID-19, wuxuuna xusay in wixii Maanta ka dambeeya cidii lagu qabto qaad sharciga la hor-geyn doono.