Maamulka Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay Shil Khasaaro badan geystay oo xalay fiiqdkii hore ka dhacay Isgoyska howlwadaag ee Muqdisho.
Shilkaas ayaa waxaa uu yimid, kadib markii uu soo fariin goostay gaari nooca xamuulka qaado ah oo ka yimid dhinaca wadada hormuud ee Suuq Bakaaraha, isla markaana uu jiiray Mooto Bajaajyo ay la socdeen dad shacab ah.
Guddoomiyaha Howlwadaag Mustaf Cali Kheyre oo tegay goobta uu shilku ka dhacay lana hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in shilka ka dhacay uu ahaa Musiibo ayna ku dhinteen dad badan oo kala duwan.
Waxaa uu sheegay Mustaf Cali in xiliga uu gaariga weyn soo fariin goosanayay Isgoyska uu ahaa mid uu ka jiray mashquul xoogan, isla markaana gaariga uu waday Nin Kirish-booy ah uuna xakameyn waayay, sidaasina uu ku fariis goostay.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Mustaf Cali Kheyre ayaa waxaa uu tilmaamay in shilkaas ay ku dhinteen in ka badan 10, halka dhowr qof kalena dhaawacyo ay soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Muqdisho.
Gaariga weyn ee soo fariinka goostay ayaa sidoo kale waxaa uu burburiyay kaalin shidaal oo ku taalla Isgoyska Howlwadaag, waxaana xiligaas kaalinta taagnaa Mooto bajaajyo dhowr ah oo lagu shubayay shidaal, kuwaasi oo iyaguna burburay.