Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyay shirka jogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.
Shirka oo mareegta Intrnet-ka ahaa ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka COVID-19 ee dalka, iyadoo Guddiga uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ka dhageystay warbixintii ugu dambeeysay ee COVID-19.
Shirkaan oo habeen walbo la qabto ayaa waxaa xalay kasoo qeyb galay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor oo ka war bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug.
Sidoo kale inta uu socday shirka Guddiga Qaran ee Cudurka COVID-19 ayaa waxaa lagu go’aamiyay in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo deegaannada ay xaaladaha daran ka jiraan oo Galmudug ay kamid tahay.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ay Cudurka halista ah ee COVID-19 ugu dhinteen afar ruux, halka kuwo kalena la geeyay Isbitaalka.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee Cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo kamid ah dalka Soomaaliya