Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Drs. Amina Saciid.
Kulanka dhexmaray labada Mas’uul ayaa waxaa looga hadlay wada shaqeynta wasaaradda iyo hay’adda iyo sidii sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Wasaaradda ee  Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
Wasiir Sadiiq ayaa waxaa uu ballan qaaday in hay’adda si dhow uga taageeri doonaan shaqo abuur loo helo dadka barakacayaasha ah iyo sidii lagu heli lahaa taageero joogto ah oo ay Dowladda ka helaan qaxootiga dibadda ka soo laabanaya iyo kuwa gudaha ku barakaca.
“Dadaallada aan diiradda saarayno, waa sidii ay Bulshada Soomaaliyeed ee ka soo barakacaya dalka dibadiisa iyo kuwa gudaha ku barakacaya ay taageerro joogto ah oo la isku halayn karo iyo dib u dejin uga heli lahaayeen Dowladda. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa ay hadda ka shaqeynaysa sidii Shaqo Abuurka loogu heli lahaa barakacayaasha, loona siin lahaa Daryeel†ayuu yiri Wasiir Warfaa.
Kulanka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda iyo Guddoomiye Drs. Amina Saciid ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaraddaas iyo Agaasime waaxeedyada Arrimaha Bulshada iyo Qorsheynta.