Dowladda Shiinaha ayaa maanta ka digtay inay qaadi doonto tallaabooyin jawaab ah, haddii Mareykanka uu u adkeysto “inuu waxyeeleeyo†danaheeda ku aadan Hong Kong.
Washington ayaa dhowaan sheegtay inay soo rogi doonto cunaqabteyno ka dhan ah Shiinaha, sababo la xiriira sharci cusub oo amniga qaranka ah, kaasi oo Shiinaha ay doonayaan inay ka dhaqan-geliyaan Hong Kong.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibdda Shiinaha Zhao Lijian ayaa weriyayaasha u sheegay in Mareykanka uu isku dayayo inuu dhaawaco amniga qaran ee Shiinaha.
Waxa uu sheegay in Beijing ay ashtako xooggan ka gudbisay hadal kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Robert O’Brien, kaasi oo sheegay in sharciga
Shiinaha ayaa ku gacan seeray cabashada ka imaneysa dalalka dibedda ee la xiriirta “faro-gelinta†Hong KOng, waxaana ay sheegtay in sharciga cusub uusan waxba u dhimi doonin is-maamulka Hong Kong .
Diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha ayaa sheegay in sharciga lasoo jeediyey uu beegsan doono ficillo kooban, islamarkaana uusan saameyn doono madax-banaanida magaalada.