Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 79 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 14 qofood, waxaana geeriyooday 4 bukaan.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 62 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 17-da kale ay yihiin haween.
38 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 22 kalana waxay ku suganyihiin Jubbaland, Koonfur Galbeed 11 ruux, halka 8 kalena ay ku sugan yihiin Puntiland.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 835, waxaa bogsootay 75 Ruux. 38 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada kahor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.