Lix qof oo saarnayd diyaard sidday xamuul ayaa ku dhintay kadib markii diyaaraddaasi ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale ee gobolka Baay.
Wasiirka Gaadiidka ee Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa VOA u sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen Soomaali. Weli lama shaacin dhalashada dadka kale.
Sababta dhalisay inay diyaaradda soo dhacdo ayaa la baarayaa.
Diyaaraddan ayaa daawo iyo agab kale oo ay ka mid yihiin sesenyeeri u sidday magaalada Bardaale.
Mas’uul ka tiran shirkadda diyaaradaha Afarican Express ayaa VOA u sheegay in diyaaradda ay shirkaddu leedahay isla markaana ay daawooyin gaysay magaalada Bardaale ee Gobolka Bay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in diyaaradan ay ku dhacday meel aan sidaas ugu fogeyn Garoonka diyaaradaha Magaalada Bardaale ee Xarunta Gobolka Baay.
Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Muqdisho iyadoo sii martay magaalada Baydhaba kadibna uga gudubtay magaalada Bardaale.