Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shir gudoomiyay kulan (Video Conference) ah oo ku saabsan ka hortagidda caqabadaha dhaqaale ee Covid-19.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay wakiilada Hey’adaha dhaqaalada Aduunka, sida IMF, WorldBank, EU, AFDB iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad-Goboleedyada dalka ka jira.
“Halista Coronavirus waxa ay nooga baahantahay baraarug iyo isku duubni in aan ugu gudubno, sidoo kale waxa aan Allah ka baryeynaa in uu Caafiyo inta uu haleelay, inta geeriyootay na Allaha u Naxariisto†ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Beyle.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in ay ka hortagto hoos u dhaca, iyo saameynta Dhaqaalaha inta lagu jiro Marxaladaan adag ee Cudurka halista ah ee Coronavirus.