Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in la kordhinayo xarumaha Caafimaad ee loogu talagalay in lagu dabiibo dadka qaba xanuunka Corona.
Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaare Kheyre in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Bangiga adduunka in ay u soo iibiyaan Soomaaliya qalab caafimaad oo liigu talagalay fayruska Corona isla markaana ay jawaab deg deg ah ka sugayaan,dadka ayuu faray in ay qaataan talooyinka caafimaad ee wasaaradaha Caafimaadka.
Dhinaca kalana waxa uu faray dadka qaba cudurada raaga sida Macaanka Dhiigkarka iyo Wadna xanuunka in ay ku nagaadaan Guryahooda maadaama ay yihiin dadka ugu nugul cudurka Corona.