Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa ka jawaabtay Eedeyn maalmihii la soo dhaafay la wareejinayay baraha bulshada taas oo gaf loogu geysanayay Wasiirka Wasaaradda iyo guud ahaan wasaaradda.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in maalmihii dambe si khaldan loo faafinayay Warqad aan sax aheyn oo ruux shaqaale ah si Khaldan u faafiyay, taasi oo ku aadan shaqo u gaar ah gabdhaha Wariyaasha ah uu soo bandhigay telefishinka Qaranka ee SNTV.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Warqadaas aysan kasoo bixin Xafiiska Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, isla markaana xitaa uusan ku lug laheyn qof ka tirsan Xafiiskiisa.
Waxaa kaloo Qoraalka lagu xusay in dadka eedeeynta iyo Dacayada u jeediyay Wasiir Maareeye yihiin kuwo si siyaasadeysan ama si kale wax uga tabanaayo Wasiirka, waxaana shacabka Soomaaliyeed la ogeysiiyay in Dacayada dhanka ka ah Wasiirka aysan aheyn wax Sal iyo raad leh.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.