Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa xalay ka hadlay Arrimo muhiim ah oo ku aadan Xaaladda dalka ee Cudurka halista ee Coronavirus oo dadka laga helay Muqdisho ay sii kordhayaan.
Sheekh Shariif oo Shir Jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa waxaa uu intiisa badan uga hadlay xaaladda Cudurka Coronavirus ee dalka, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay inay dadka qaataan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo.
Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in Cudurkaan uu yahay Musiibo Caalami ah oo sameeyay dalal badan oo ku yaalla Caalamka, isla markaana ay tahay inay shacabka galaan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, Ganacsatada iyo dhaqaatiirka ugu baaqay inay u midoobaan sidii looga hortegi lahaa faafida Cudurka, isla markaana marna aan la siyaasadeyn.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Shariif Sheekh in muhiim ay in dadka laga helay Cudurka ay helaan Gargaar Caafimaad oo Deg deg ah oo aan la karantiilin oo kaliya.
Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa shacabka ugu baaqay inay badiyaan ducooyinka si Alle nooga badbaadiyo Cudurka aduunka dhanka sameeyay ee COVID-19, ayna qaataan tallooyinka Caafimaad, sidoo kalena yareeyaan goobaha Bulshada isugu tegto.
Si kastaba hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo xalay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda shaacisay in dadka laga helay Cudurka ee gudaha Soomaaliya gaartay 60 Qof, waxaana xusid mudan in Jubbaland ay sheegtay in Magaalada Kismaayo laga helay laba ruux oo qaba COVID-19.