Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xalay si rasmi ah uga dhaqan galay Bandow muddo 15 maalmood oo xiliyada habeenkii ah uu kusoo rogay Maamulka Puntland si looga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.
Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in iyada oo la fulinayo amarkii kasoo Madaxweynaha Puntland ee Bandowga ahaa uu xalay ka dhaqan galay Boosaaso, kaasi oo bilaabaya 06:00 maqribnino ilaa 05:00 subaxnimo.
“anigoo fulinaya Awaamirtii ka soo baxday Madaxtooyadda Puntland waxaa Guud ahaan Magalada Bosaaso ka dhaqan galiyay Awamiirtaas oo ah Bandow socon doono Mudo 15 Cisho ah sida uu na faray Madaxweynaha  Puntland Dr Said Cabdulaahi Deni†ayaa yiri G/Sare Xussen Cali Maxamuud.
Sidoo kale Taliyaha ayaa u mahadceliyay shacabka kui dhaqan Magaalada Boosaaso oo uu tilmaamay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen Ciidanka amniga, isla markaana ay u hogaansameyn amarka kasoo baxay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Sawirro laga soo qaaday xalay Boosaaso laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay sida uu halkaas uga dhaqanka galay Bandowga, waxaana Waddooyinka ku yaalla halkaas xalay dhex socday gaadiid lagu xiray Cod baahiyal oo dadka loogu baaqayay inay guryahooda ay ku xaroodan.
Dhinaca kale Amarka ayaa waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga dhaqan galo gebi ahaan Magaalooyinka Puntland, si looga hortego faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka.