Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas qarax lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dullka la geliyay ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Kolonyo gelbineysay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf  Raage ayna la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda, iyagoona socdaal ku marayay duleedka Janaale.
Qoraal lagu daabacay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada qaraxaa ka dhacay duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in qaraxa uu ka badbaaday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, hayeeshee lagu gubay gaari nooca dagaalka, isla markaana uu jiro Khasaaro kala duwan, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Weli ma jiro war wax ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ay uga hadlayaan weerarkaas la sheegay inuu ka dhacay duleedka deegaanka Janaale, isla markaana lagu gubay gaari Cabdi Bile ah oo ay leeyihiin Ciidanka dowladda.