Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in Ciidammada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabee Milkiilaha Hoteelka Sky oo ku yaalla Xaafadda Maslaha kadib markii uu diiday in dadka qaba cdurka Corona lagu Karaantiilo Hoteelkiisa.
Wararka ayaa sheegaya in guddiga u diyaargaroowga caabuqa Corona ay u yimaadeen Milkiilaha hoteelka Axmed Odowaa kadibna ay ka dalbadeen in hoteelka lagu Karantiilo dadka qaba Corona taas oo keentay in uu ka biyadiiday kadibna xabsiga ay u taxaabeen ciidamada isaga iyo Xaaskiisa.
Dadka ay ka dalbadeen guddiga milkiilaha hoteelka in lagu karantiilo ayaa la sheegay in ay yihiin qaar ka mid ah dadkii la socday diyaaradda Itoobiyaan Airlines oo maalma ka hor ka degtay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Soomaaliland.
Guddiga xukuumadda Soomaaliland ay u magacawday u diyaargaroega caabuqa Corona ayaa qaaday tallaabooyin dhowr ah tan iyo intii la magacaabay iyaga oo amray in dadku ay ka fogaadaan goobaha la iskugu yimaado saiada amaqaayadaha iyo meheradaha kale ee dadka kulmin kara.