Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo Maanta Safar ugu amababaxay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa Caawa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulan miro dhal ah magaalada Addis Ababa kula qaatay dhiggiisa dalka Ethiopia Abiy Ahmed, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga labada dal.
Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda caabuqa Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dal.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale ka wada hadlay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo kaalinta ay labada dowladood si wadajir ah uga qeyb qaadan karaan.
Si kastaba dib u soo laabashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyadoo Caawa uu ku egyahay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwii ka bixi jiray, kadib markii dowladda joojisay arrintaas si looga hortego Cudurka Coronavirus.