Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhow gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Xasan Maxamed Cali (Amar-dambe), waxaana kamid ahaa Wasiisu dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo iyo Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Gabeed.
Ujeedka Wasiirka Amar-dambe ee Baydhabo ayaa waxaa ay tahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Munaasabad tababar loogu soo xirayo Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ee halkaas ku sugan.
Inta uu ku sugan yahay Baydhabo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga.
Shalay ayay aheyd Magaalada Baydhabo uu gaaray Taliyaha Cidanka Xoogga Generaal Odawaa Yuusuf Raage, isagoona halkaas uga qeyb galaya Munaasabad ka dhaceysa.