Magaalada Addis Aabab ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Kenya oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Kenya ee Fred Matiangi, iyadoona halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Kenya ayaa kulan muhiim ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, iyagoona ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan xiisada u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.
War qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Wasiir Fred Matiangi ayaa waxaa ku sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu kala hadlay sidii loo xalin lahaa Khilaafka soo kala dhexgalay dowlaladda Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan xuduudka labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kal hore dhex-dhexaadiyay Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana xiligaas xusid mudan in Abiy Axmed iyo Madaxweyne Farmaajo ay ka degeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Si kastaba Safarka  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Kenya uu ku tegay Addis Ababa ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo maalmo kahor Wasiirka safar uu ku yimid Muqdisho lana kulmay Madaxweyne Farmaajo, isagoona u keenay dhambaal Casuumaad ah oo uu uga siday Madaxweynaha Kenya, iyadoona Farmaajo uu aqbalay arrintaas.