Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wareysi uu siiyey VOA kaga hadlay xiisadda ka dhex oogan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka xuduudda.
Cawad ayaa sheegay in Eedeymo kulul ay isku jeediyeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib uu kulan khadka telefoonka dhexmaray Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay in xiisadda la qaboojiyo lana xoojiyo xiriirka ka dhexeeya labada dhinac.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiir Cawad in Kenya shalay ay Muqdisho u soo dirtay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga dalkaas Fred Matiang’i iyo wafdi la socday, kuwaasi oo dhambaal Casuumaad ah Uhuru Kenyatta uga siday Madaxweye Farmaajo, isagoona Madaxweynaha aqbalay arrintaas.
Waxaa kaloo uu tilmaamay Wasiirka in kulan uu dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, iyagoona ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay ka miro-dhalinta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal.
Ugu dambeyntii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu booqan doono dalka Kenya, isla markaana safarkaas ay haatan ka wadashaqeynayan Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya.