Faah faahin dheeraad ayaa laga helayaa Qarax Caawa ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Qaraxaas ayaa dad goobjoogayaal ah waxaa ay sheegeen inuu ahaa miino la geliyay Bar Koontarool oo ay leeyihiin Ciidamada ilaalada dekadda Magaalada Boosaso, kuwaasi oo qaraxa kadib furay rasaas badan.
Qaraxaas ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray hal ruux oo goobta ka Agdhawaa, isla markaama waxaa loola cararay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee halkaas ku yaalla.
Saraakiisha amniga Gobalka Bari oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in cid kale aysan wax ku noqon qaraxaasi marka laga reebo hal ruux.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Boosaaso ayaa Caawa xaafado badan oo ka tirsan Magaaaladaas waxaa ay ka wadaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga, waxaana Ciidanka sidoo kale ay baaritaano ku sameeynayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheysan, waxaana falalkaas inta badan sheegta Al-shabaab.