Waxaa Maanta deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug gaaray wafdi ballaaran oo ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hogaaminayay Safiirka Jabuuti ee dowladda Soomaaliya.
Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garacad kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Dhabancad iyo Guddiga dhismaha dekadda Garacad.
Sidoo kale Wafdiga ayaa kormeeray dhismaha dekadda deegaanka Garacad Gobolka Mudug, isla markaana waxaa ay sheegeen in dhismaha Dekadda uu meel wanaagsan marayo.
Wafdigaan ayaa iskugu jira Injineero Maalgashadayaal iyo Ganacsato ka socday Dalka Jabuuti, waxaana Ujeedkoodu ahaa sidii ay kormeer ugu soo sameeyn lahaayeen halka uu maro dhismaha dekadda deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.