Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa lagu magacaabay Maareeye ku-xigeenka Dekadaha Somaliland.
Cumar Abuukar Jaamac ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay inuu nqodo Maareeye ku-xigeenka Cusub ee Dekadaha Somaliland, waxaana Wareegtada lagu magacaabay ay ku taariikheysneyd 7-da Bishaan Maarso ee 2020.
Sidoo kale Wareegtada Magacaabista ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay hanan karto Mas’uuliyada ka dhalaneysa xilkaas.
Ugu dambeyntiii Maareeye ku-xigeenka Cusub ee Dekadaha Somaliland Cumar Abuukar ayaa waxaa la faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.