Qaramada Midoobay ayaa War kasoo saartay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso oo Maanta ku beegan.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee James Swan ayaa waxaa lagu bogaadiyay dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalka iyo waxqabadka ka geysteen dib-u-dhiska.
“Haweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya oo iyadu kusii socota tubta nabadda iyo xasilloonida Waxay muujiyeen geesinimo aad u weyn, adkeysi iyo dadaal iyagoo wajahaya caqabado badan, oo ay ku jiraan colaado daba-dheeraaday, amni darro, musiibooyin dabiici ah iyo xasillooni darro siyaasadeed” ayuu yiri Wakiilka James Swan.
Sidoo kale Qoraalka James Swan ayaa lagu sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay muujiyeen geesinimo aad u weyn, adkeysi iyo dadaal iyagoo wajahaya caqabado badan, oo ay ku jiraan colaado daba-dheeraaday.
“Nasiib darro, doodaha amniga ee khuseeya haweenka ayaa inta badan ku tilmaama inay yihiin dhibanayaal waana yartahay in lagu tilaamo inay yihiin wakiilo firfircoon oo muhiim u ah hagaajinta xaaladda amni ee naftooda iyo dadka kaleba. Waa in arrinkaas is-bedelo,” ayuu raaciyay halkiisa Swan.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa intaas kusii daray hadalkiisa “In haweenku si siman u helaan xuquuqda, fursadaha iyo ka-qaybgalka waa astaan muhiim u ah xaqiijinta ajandaha horumarinta qaran ee Soomaaliya,”.
Ugu dambeyntii qoraalka ayaa waxaa waxaa lagu dhiirageliyay dadaalka dardadrgelinta leh ee madaxda qaranka ku bixinayaan Hindise-Sharciyeedka Xadgudubka Jinsiga ee qabyada ah iyo Hindise-Sharciyeedka Gudniinka Gabdhaha, oo asaas u ah ilaalinta xuquuqda haweenka ku nool Soomaaliya.