Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay Magaalada Garoowe ku yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa ee Shirka Golaha Wasiirada.
Shirkaan ayaa waxaa shir-guddoomiyey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana inta uu socday looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen Amniga Guud, Xalaada Caabuqa Coronavirus.
Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa hakiyey muddo bil ah Doomaha Kaluumaysiga ee Dibedda ka yimaada, iyadoo ka dooday Daah-furka iyo mashruuca ifiye ee Waxbarashada, Shirka wadatashiga reer Puntland iyo warbixin ku saabsan Degmada Galdogob.
Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey ayaa ka warbixiyey qodobadii shirka kasoo baxay.
Wasiir Xasan Axmed ayaa waxaa uu sheegay in Golaha Wasiirada ay amar ku bixiyeen in wax doomaha Kaluumaysiga ee Dibedda ka yimaada aysan kusoo xiran karin xeebaha Puntland marka laga reebo Dekadda Boosaaso.