Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Maxamed Shariif Cumar oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo muda 30-Sano si sharci dara ah looga heystay gurigiisa Maanta si rasmi ah ugu wareejiyay.
Guriga Maxamed Shariif Cumar xooga looga heystay ayaa waxaa uu ku yaallaa waaxda Jabuuti ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana laga heystay mudo 30-Sano ah.
Gurigaan la wareejiyay ee sida sharcidar ah lagu daganaa ayaa waxaa ka muuqday dayac xoogan, inkastoo dadkii mudadaasi fog daganaa ay ogolaadeen in si nabadgalya leh ku wareejiyaan iyagoo ka jawaabaya baaqa duqa Magaalada Muqdisho ee ahaa inaan la aqbali doonin in Caasimadda gudaheeda qof hantidiisa sharcidara lagu heesto.
Munaasabadda wareejinta Guriga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Qoyska Maxamed Shariif Cumar.