Taliska Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ku wareejiyeen hub la sheegay in Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay kasoo furteen Al-shabaab.
Taliyaha Ciidanka AMISOM Tigabu Yilma oo Munaasabadda hub wareejinta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in hubka ay dowladda ku wareejiyeen Al-shabaab looga qabsaday howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen AMISOM iyo Ciidanka dowladda.
Sidoo kale Taliye Tigabu Yilma ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ay hubkaas uga soo furteen Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.
Wakiilka Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa hubkaas ku wareejiyay Cabdisaciid Muuse Cali oo ah la-taliyaha amniga Qaranka Madaxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.
Ambassador Francisco Madeira oo hadal kooban jeediyay ayaa waxaa uu tilmaamay in iyaga oo dhowraya xeerarka Qaramada Midoobey iyo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay hubka qeybtiisa fudud ee loo ogolyahay Soomaaliya ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale Cabdi Siciid Muuse oo ah la-taliyaha dhanka amniga u qaabilsan Madaxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa dowladda u saxiixay la wareegista hubkaas la sheegay in laga soo furtay Al-shabaab.
Waa markii ugu horeeysay ay AMISOM hub ku wareejiso dowladda Soomaaliya, iyadoona ay xusid mudan tahay in dhowr jeer Al-shabaab ay soo bandhigeen hub iyo gaadiid dagaal oo ay sheegeen inay dagaal uga qabsadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.