Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow kaalin shidaal oo ku taalla halkaas uu ka kacay dab xoogan.
Dabka ayaa waxaa uu yahay mid xoogan oo markii hore ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo, waxaana markii dambe sida la sheegay uu kusii faafay Bakaaro ku degan Xarunta kaalinta, waxaana cirka isku shareeray uuro Madow.
Dadka deegaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa buux dhaafiyay goobta uu ka socdo dabka, isla markaana waxaa ay wadaan dadaalo lagu daminayo dabka, In kastoo uusan halkaas joojin wax gaadiid dab demis ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa goobta gaaray, kuwaasi oo amniga sugaya, waxaana mararka qaarkood ay ridayaan rasaas.