Maraykanka iyo Taliban ayaa kala saxeexday heshiis looga golleeyahay in jidka loogu xaadho nabadda Afghanistan ka dib in kabadan 18 sano oo dagaallo ah.
Mareykanka iyo xulafadiisa Nato aya isku raacay inay ciidamadooda kala baxaan waddankaasi, 14 bilood gudahood haddii jihaadiyiintu oggolaadaan heshiiska.
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo iyo hogaamiyaasha Taliban ayaa ka qeyb galay xafladda saxiixa oo ka dhacday magaalada Doha ee dalka Qadar.
Wadahadallada u dhexeeya dowladda Afqanistaan iyo Taliban la filayaaa in xog dheeraad ahi ka soo baxdo.
Sida ku xusan heshiiska lagu saxiixay Doha, Taalibaan waxay kaloo ogolaadeen inaysan u oggolaanin al-Qaacida ama koox kale oo xag-jir ah inay ka shaqeeyaan aagagga ay ka taliyaan.
Mareykanka ayaa weerarey Afghanistan asbuucyo kaddib weerarradii Sebtember 2001 ee ay geysteen kooxda al-Qaacida ee fadhigeedu yahay Afghanistan.
In ka badan 2,400 oo ciidamada Mareykanka ah ayaa la diley intii uu socday iskahorimaadkaaso. Ilaa 12,000 ayaa wali ku sugan dalkaasi. Madaxweyne Trump ayaa ballan qaaday inuu soo afjari doono khilaafkaas muddada dheeraa.