Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud oo saakay isku dhiibay Ciidanka dowladda ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlusunna ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb.
Macalin Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay ka tanaasuleen Go’aankii siyaasadeed ee Galmudug, isla markaana ay la shaqeyn doonaan dowladda Federaalka iyo maamuka Galmudug.
Waxaa uu sheegay Macalin Maxamuud in aysan markale diyaar u aheyn in dhiig uu ku daato Magaalada Dhuusamareeb ama Bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan iska hor timaado.
Isaga oo sii hadlaayay Macalinka ayaa waxaa uu tilmaamay inay u taagan yihiin doorkii ay ku lahaayeen dhanka diinta iyo Caqiidada Ahlusunna Waljamaaca, isla markaan arrintaas ay u sii taagnaan doonaan.
“Waxaan ka tanaasulney go’aankeenii siyaasadeed ee Hugaaminta Galmudug , inagu diyaar uma nihin in markale dhiig daato ama bulshadu iska hor imaato , waxaan u taanaganahay doorkeenii diimeed iyo caqiiqada Ahlusunna Waljamaaca oo aan usii taagnaan doono†ayuu yiri Macalin Maxamuud.
Dhinaca kale Sheekh Maxamed Shaakir oo ahaa Madaxii Xukuumadda Galmudug ayaa shaagay inuu Mas’uuliyada amnigooda iyo tan Dhuusamareeb uu ku wareejiyay Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, isla markaana ay la shaqeyn doonaan maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.