Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Gorgor ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Maanta waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay Ciidankii iyo gaadiidkii dagaalka ay laheyd Ahlusunna Waljamaaca.
Saadaq Sheekh Yuusuf Wasiirkii Amniga Galmudug oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Ahlusunna ayaa gaadiida ku wareejiyey Saraakiisha Ciidanka Dowladda, isagoo sheegay inay gaadiidka kamid yihiin laba gaari oo ay leedahay Wasaaradda Amniga Galmudug, hayeeshee uu ku wareejiyay Ciidanka dowladda.
Sidoo kale ilaa 7 gaari oo qoryo saaran yihiin ayaa lagu wareejiyey Ciidanka Dowladda, waxaana Tirada guud ee gaadiidka la wareejiyey ayaa noqoneysa 9 Gaari, iyadoona gacanta heyntooda ay la wareegeen Ciidanka Gorgor xoogga Dalkan ee halkaas ku sugan.
Dhinaca kale 40 Askari oo ka tirsanaa Ciidankii Ahlusunna ayaa waxaa loo taxaabay Xabsiga, kuwaasi oo la tilmaamay inay kamid ahayeen kuwii Ciidanka dowladda shalay dagaalka adeg kula galay Magaalada Dhuusamareeb.
Si kastaba Hogaamiyeyaashii Ahlusunna ee Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud ayaa isku dhiibay Ciidanka dowladda, waxaana Sheekh Shaakir uu sheegay in mas’uuliyada amnigooda iyo tan Dhuusamareeb uu ku wareejiyay Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka.