Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa duqeyn diyaaradeed saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacay agagaarka deegaanka Kunya barrow ee Shabeellaha Hoose, isla markaana lala beesaday xubno ka tirsan Al-shabaab.
Sidoo kale qoraalka dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay laba xubin oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa agagaarka Kunya barrow waa sida hadalka loo dhigay.
Dowladda Federaalka ayaa tilmaamtay in wax Khasaaro ah weerarka uusan kasoo gaarin dadkii shacabka ahaa ee ka agdhawaa deegaanka laga fuliyay duqeynta diyaaradeed oo dhacday gelinkii dambe ee shalay oo Jimco aheyd.
Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeymo kala duwan ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, iyadoona duqeymaha qaarkood lagu dilay dad shacab ah oo uu kamid ahaa Maamulkii Shirkadda Hormuud ee Degmada Jilib ee Jubbada Dhexe.