Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug,kaas oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan dowladda Somalia io Ahlusunna Wal-jamaaca.
Dagaalkaan bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay rasaas ku fureen gaari kasoo baxay Xarunta Inji oo ay degan yihiin hogaanka Ahlusunna, isla markaana isku dayay inuu xoog ku maro Koontarool ay ku sugnaayen Ciidanka dowladda.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hogaanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka hadlay dagaalkaas waxaana uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan Ahlusunna oo ilaalo ka hayay xarunta Enji intaas kadib ay jaho kasta araas looga soo riday sida uu hadalka u dhigay.
Ciidanka Ahlusunna ayuu tilmaamay in aysan Sheekh Shaakir in aysan sameyn wax dhaq-dhaqaaq ah halkoodiina ay ku sugnaayeen xili la sheegayo in ay soo jiiree bar kootarool oo ku taalla gudaha magaalada.
Sheekh Shaakir ayaa dhanka kalana waxa uu tilmaamay in u jeedadoodu ay tahay kaliya in ay la dagaalamaan Alshabaab ciidamada dowladda ee laga keenay Muqdisho iyo meela kalana iyagu ay rasaasta bilaabeen sida uu hadalka u dhigay.
Halkaan Ka Dhageyso Codka
Dhinaca kalana Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooq-qoor ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa looga hadlay dagaalkaas waxaana uu sheegay in nasiib daro ay tahay in wadaadada ku jira xarunta Inji ay weerar barer ah kusoo qaadeen ciidamada dowladda ee Koontaroolka ku leh Isbitaalka weyn ee magaalada.
Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu yiri waxaana ugu baaqayaa Wadaadada ku jira Xarunta Inji in ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara amni darro lagana fogaada xasilooni daro saamaysa deegaanka.
Halkaan Ka Akhriso QoraalkaÂ