Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn oo bishaan February gudaheeda ka fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe uu ku ku dilay Sarkaalkii ka dambeeyay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Manda Bay ee Gobolka Lamu ee dalka Kenya.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay Saraalkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay, waxaana duqeynta ay ka dhacday Degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraalka kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xaaskii Sarkaalka Shabaabka ahaa ΓΒ ee la bartilmaameedsaday xili ay ku sugnaayeen Degmada Saakoow waa sida hadalka loo dhigay.
Weerarkan duqeynta ayuu Mareykanka sheegay inuu dhacay 22-kii Bishaan February 2020, isla markaana Mareykanka tan iyo markii uu dhacay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Manda Bay ay baadi goobayeen dadkii MasΓ’β¬β’uulka ka ahaa weerarkaas.
Al-shabaab ayaa weerar Culus ku qaaday Saldhiga Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya ee Manda Bay, waxaana Shabaab ay sheegeen in weerarkaas ay ku dileen Askar badan oo ka tirsan Mareykanka, iyagoona xiligaas gubay lix diyaaradood.